Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed
Jaamacadda Daraasaadka ee Roma Saddex

Vai al sito ufficiale dell'Università Roma Tre

Home page >>

HIMILOOYINKA

XCS waxay damacsantahay:

  • Inay noqoto wax isku xira qabanqaabiyana hawlaha ay Jaamacaddu ka qabato gudaha iyo dibaddaba oo ku jihaysan abuurista Xarun cilmibaaris iyo ururinta daraasadaha laga helo qalabka warbaahinta, kuwaasoo giddigooda ku saabsan dhammaan arrimaha soomaaliyeed xagga culuunta bulshada, taariikhda, fanka iyo dabeecadda.
  • Inay abaabusho xiriirisana hawlaha cilmibaarista maadooyinka kala duwan ee la xiriira Soomaaliya. Waxay qabanqaabisaa hawlaha tababaridda iyo la tashiga. Hawlahan oo idil waxaa loogu talaggalay in lala galo heshiisyo hay’adaha xukuumiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo xataa ururrada caalamiga ah (sida UNESCO, FAO iwm.)
  • Inay abaabusho kana qayqaadato abaabulka koorsooyinka la xiriira luqadda iyo dhaqanka soomaaliyeed meel kastoo looga baahdo (jaamacadaha heer takhasus, “Masters", koorsooyin lagu tababbaro macallimiinta iwm.), iyadoo xitaa la kaashanayso jaamacada kale iyo hay’ado cilmiyeed oo ah heer qaran ama heer caalami ah.
  • Inay samayso xarun lagu aruuriyo macluumaadka laga helo qalabka warbaahinta iyo warbixin raadraaceed oo ku wada saabsan Soomaaliya, iyadoo xataa lala kaashanayo Macmalka Cilmibaarista iyo Macluumaadka Maqalmuuqaal ee Waaxda Daraasaadka Caalamiga ee Jaamacaddayada: waxaa la damacsanyahay in Xarunta lagu wada kulmiyo dhammaan wixii macluumaad ah ee laga heli karo gudaha Itaaliya oo haatan heliddooda ama la kaashigooda aan fududayn.
  • Inay ku faafiso dariiqa Internet-ka warka la xiriira ogaalwarramada iyo raadraacyada, iyadoo la fududeynaayo abuurista shabakad caalami ah oo loogu talagalay ururinta iyo faafinta xogwarranka.

Kor u noqo

Cusboonayntii u dambaysey: 10 / 06 / 11 - 14:19:11