Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed
Jaamacadda Daraasaadka ee Roma Saddex

Vai al sito ufficiale dell'Università Roma Tre

Home page >>

HIMILOOYINKA

Tababbarka

Arrinta ku saabsan tababarka waxay ka mid noqonaysaa hawlaha XCS oo leh laba ulajeeddo.
Midda koowaad waxay noqonaysaa inay dadka siiso macluumaad iyo warbixinno ku saabsan mashruuc ka mid ah mashaariicda ugu muhimsan ee uu ka qabtay Xafiiska Guud ee Iskashiga xagga horumarinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda (MAE) xagga tababbarka yacnii maalgelinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho (JUS).
Qabyta tababbaridda waa arrin u baahan in mudnaanta koowaad laga siiyio xagga iskaashiga,.maadaama tababbaridda maareyeyaasha ku habboon heerarka dhabta ah ee loo baahanyahay ay tahay shuruudaha hore ee lagama maarmaanka u ah nooc kasta oo horumar ah, midda kale, tababbaridda micnaheedu ma ah in laysku khasbaayo qaadashada hab dhaqmeedyada shisheeye, laakiin waxay tahay sidii isasaamaynta labada dhaqan looga dhigi lahaa wax ka qaybgale kasta uu ka helo faa’ido ah barashada dhabta ah ee qofka kale; sidaas ayayna ku samaysmaayaan xaaladaha lagu shaqayn lahaa tababbarrada iyo hirgelinta ujeeddooyinka sidaas u cayiman.
Sanadihii ay ka wada shaqaynaayeen JUS soomaalida iyo talyaanigu waxaa jiray mashaariic badan oo la xiriira habka loo adeegsado waxbaridda iyo cilmibaarista oo fikrad ahan iyo ku camalfalkoodaba ay ka wadeen kulliyadaha kala duwan barayaal talyaani iyo soomaaliba ah oo run ahaanti lagu sheegi karo in loo hirgeliyay sidii loogu talaggalay hawlahaas.
Mirihii ka soo baxay qaarkood waxay XCS ka dhigi doontaa kuwa la heli karo, maxaayeelay waxtarkoodu ma aha keliya inay yihiin qoraallo xogwarran ah, laakiin waxay weli waxtar u yeelan karaan hawlahayaga xagga tababbarka xataa dalka talyaaniga gudihiisa.

Ulajeeddada labaad ee laga leeyahay tababbarka waxay noqonaysaa in la sameeyo hawlo adeegeed, yacnii in la bixiyo koorsooyin, seminaarro iyo hawlaha habka waxbaridda oo kala duwan oo giddigoodu ay la xiriiraan afka iyo dhaqanka soomaaliyeed, laga bixiyo meel kastoo looga baahdo (koorsooyin waxbarasho luqadeed, takhasusyo jaamacadeed, “Masers", koorsooyin lagu tababbaro macallimiinta iwm.), xitaa hay’adaha dibadeed ee heshiisyada lala galay.

Kor u noqo

Cusboonayntii u dambaysey: 10 / 06 / 11 - 14:19:11