Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed
Jaamacadda Daraasaadka ee Roma Saddex

Vai al sito ufficiale dell'Università Roma Tre

Home page >>

HIMILOOYINKA

Qoraal xogwarran

Ulajeeddada koowaad waxay tahay in laga helo dariiqa internet-ka si tallabo tallabo ah wixii xogwarran ah iyo waxyaaba (materials) kale oo ah wax dhab ah, si giddigooda looga dhigo wax si fudud ugu intifaaci karaan cilmibaarayaasha iyo inta kale ee danaysa arrimahaas.
Waxyaabahan la aruurinayo waxaa laga samayn doonaa dhowr diiwaanhayn oo lagu kaydiyo: qoraallo ku qoran warqado iyo internet-ka, qoraal xogwarran wariyeed, ururin suugaaneed iyo muusikeed iyo qaybo ama segterro kale aan weli la nasharinin, xogwarran laga helo filimmada iyo sawwirrada, cod la duubay iyo wixii laga helo qalab warbaahineed ee kale.
Ilaha ugu muhimsan waxay yihiin:

  • Waxyaabo ka kooban xogwarran cilmibaaris oo hawlahooda ay aruurinaayeen 30 sano cilibaarayaasha Jaamacadda “Roma Tre” iyo kuwa kale, waxyaabahaas badankoodu waxay haatan ku suganyihiin gacmo shakhsiyadeed.
  • Waxyaabo laga helo hay’adaha dawladda – sida idaacadda RAI iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda – iyo kuwa gaarka loo leeyahay, oo la doonayo in lala yeeshto xiriir iskaashi iyo heshiisyo; iyo Jaamacado shisheeye oo gacanta ku haya qoraallo la xiriira Soomaaliya, si loo mideeyo wararka la xiriira diiwaanhaynyada jira.

Kor u noqo

Cusboonayntii u dambaysey: 10 / 06 / 11 - 14:19:11