Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed
Jaamacadda Daraasaadka ee Roma Saddex

Vai al sito ufficiale dell'Università Roma Tre

Home page >>

Ka raadi mareegta

Avvisi | Eventi



Valid XHTML 1.0! Valid CSS!



CILMIBAARIS

Mashaariic

Mashaariicda cilmibaarista ee haatan ka socota XCS:

  • Dhismaha Diiwaanka Soomaaliya:
    Hadafku wuxuu yahay in la sameeyo ‘Xarun ururin macluumaad oo aan caadi ahayn’ oo laga helo, lagana daalacsan karo barta internetka:

  • I. Dhammaan macluumaadka diyaarka u ah XCS, oo ay Soomaaliya ka soo uruuriyeen cilmibaarayaal iyo barayaal sannadihii taliyaanigu uu iskaashiga la lahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Akademiyada Cilmiga iyo Fanka iyo Suugaanta oo labadooduba ay ku yaalleen Moqdisho, iyo wixii kale ee aan ka helno dadka horay uga hawlgalay Soomaaliya.

    II. Mirihii cilmibaarista laga sameetay Soomaaliya - oo xiriir la leh xaaladda Geeska Afrika -, sida:
    • Raadraacyo u gaar ah daraasaad kasta
    • Maqaallo iyo buugaag, oo badankooda aan si fudud loo helayn
    • Ururin maanso badan oo la tirinayo oo aan horay loo nasharin
    • Dhowr vidio oo ay soo duubeen khubaro ku xeeldheer cilmiga anthropology-ga
    • Ururin sawirro gacmeed ee dacaayadeed

    III. Buugaag waxbarasho oo 80meeyadii loo adeegsaday dugsiyada soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah kuwii loo soo diyaariyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
  • Dibuhabaynta macluumaadka ereyada Af-soomaaloiga
  • Filin dokumentaariyo ah oo lagu sahminayo taariikhdii “askari” (1931-1941)
    Hirgelintii – Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Madaxweynaha Eritrea uu ka codsaday – baaritan loo adeegsaday filin dokumentaariyo ah oo qayb ka ah mashruucan, hadafkuna wuxuu yahay sidii diiwaankayaga looga dhex heli lahaa macluumaad ballaaran oo ku saabsan ciidanka loo yiqiin “askari”, gaar ahaan aqoonsigooda, xarakaadkooda, xusuus qorradooda haddi la helo.

Kor u noqo

Cusboonayntii u dambaysey: 10 / 04 / 13 - 16:08:13